Falkenberg waa meel bartilmaameed u ah dalxiisayaasha, halkaasi oo dad aad u tiro badanni ay u soo xiisaan, gaar ahaan wakhtiga xagaaga, iyaga oo u yimaada in ay dabaashaan, kalluumeystaan, taagtaan teendhooyin meelo kaamam ah, ugu nefisaan maaweelooyin ama u dukaansadaanba. Ganacsiga degmadu wuu kala duwduwan yahay, waxaa jira shirkaddo yaryari oo fara badan, laakiin waxaa kale oo iyana jira dar waaweyn, sida warshadda Carlsbergs ee qamriga, dukaanka weyn GeKås ee ku yaal Ullared, warshadda caanaha Arla, warshadda SCA ee qalabka nadaafadda soo saarta iyo silsillada dukaamada cuntada ee Netto xaruntooda dhexe.
Isgaarsiintu aad bay u wacan tahay, waxaana mahaddeeda iska leh, wadadda weyn ee toobiyaha ah ee baabuurta ee E6 iyo tan tareenka ee xeebta galbeed oo dhex mara dhammaan degmada. Waxay u dhawdahay garoonka dayuuraddaha ee caasimadda Halmstad iyo Landvetter.
Degmada Falkenberg waxay caan ku tahay hormoodnimada dhinaca daryeelka deeggaanka, tusaale ahaan, waxay aad u maalgelisaa koronto ka dhalinta dabaysha iyo waxyaabo kale oo dabka korontada si joogto ah looga dhalin karo. Dadweynuhu si joogto ah bay u kordhayaan, waxaana jira qorshayaal ah in la dhiso guryo cusub. Shariikadda guryaha ee degmada FABO ayaa dhista, maamushana guryaha degmada oo dhan. Lambarka taleefanka ee FABO waa: 0346-886600
Gudoomiyaha golaha degmada waxaala yiraahdaa Mari-Louise Wernersson.Madaxa degmada waa Rolf Landholm.
Lambarka taleefanka degmada, xiriirinta dhexe taleefoonnada waa 0346-886000.